Xiisadda Bariga dhexe oo sii xoogeysatay

0
102

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay kaddib markii ciidanka Kuwait ay sheegeen inay ka hortagayaan weerarro ay ku tilmaameen kuwo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka yimaadeen Iran.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada Kuwait ayaa lagu sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay si guul leh ula tacaalayaan weerarrada, iyadoo aan weli la shaacin khasaaraha ama burburka ka dhashay.
Dowladda Kuwait ayaa shacabka ugu baaqday inay raacaan tilmaamaha hay’adaha amniga inta ay socdaan hawlgallada difaaca.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegatay inay ku qasbeen siddeed markab oo laga leeyahay Sacuudiga inay beddelaan marin-biyoodkooda.
Kooxdu ma aysan shaacin waqtiga ay arrintani dhacday