DHAGEYSO:Milkiilaha shirkaddii gaaska ee qaraxa uu saameeyay ee Embakasi oo booliiska isku dhiibay

0
276

Waxaa ciidamada ammaanka isku soo dhiibay milkiilaha xarunta shidaalka ee aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi oo ka tirsan ismaamulka Nairobi Derick Kimathi.
Habeenimaddii ay Jimcadu soo galeysay ayay ahayd markii abaare 11:30 daqiiqo aaggaasi laga soo tabiyay qarax ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado oo lagu siday baabuur xamuul.
Waxaa arrintaasi xigay dab fiday oo saameyn ku yeeshay guryo la deggan yahay iyo meherado ganacsi.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 6 qof ay dhacdadaasi ku dhinteen halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada dambi baarista ee Embakasi ayaa saacado su’aallo waydiinayay ganacsadaha oo uu weheliyo qareenkiisa.
Laamaha amaanka ayaa afartii maalmood ee ugu dambeeyay raadinayay ilaa 7 qof oo lala xiriirinaya dhacdadaasi.
Wasaaradda tamarta ee dalka iyo maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA ayaa labaduba sheegay in xaruntaasi ay si sharci darro ah ku shaqeynaysay maadaama sanadkii hore laga diiday ilaa 3 codsi oo ay soo gudbisay.
Hasa ahaate milkiilaha shirkadaasi ayaa beeniyay warbixinnada tilmaamaya inuu si sharci darro ah aagga Mradi uga hirgeliyay xaruntaasi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in goobtaasi ay muddo sanado ahayd geerish.
Hasa ahaate waxaan ilaa iyo hadad caddeyn xilliga uu geerishkaasi billaabay inuu dayactir ku sameeyo keliya baabuurta xamuulka ee qaada gaaska cuntada lagu karsado.
Qareenka Derick Kimathi ayaa sheegaya in baabuurkii siday haamaha gaaska ee qarxay uu iyadoo aan laga warqabin sidoo kalena loo fasaxin uu xaruntaasi dhex marayay.
Dhanka kale mas’uuliyiinta maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA oo maanta kormeer ka sameeyay goobtii uu Khamiistii hore ka dhacay qaraxa gaaska ayaa bulshada u xaqiijiyay in haamaha halkaasi yaalla uunan dhammaantood gaas ku jirin sidaasi awgeedna aynan jirin sabab ay shacabka uga cabsi qabaan in mar kale uu qarax saameeyo.

Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa dhankiisa dowladda ismaamulka ugu baaqay inay qof waliba oo ay saameyn ka soo gaartay qaraxii gaaska siiso min 100,000 oo shilin si dhaqaalahan loogu daboolo baahiyaha sida hooyga.