DHAGEYSO:Maxkmadda oo xabsi daa’in ku xukuntay nin ka tirsnaa ciidamada Kenya

0
370

Maxkamadda Sare ayaa ku xukuntay Peter Mugure xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa iyo labadiisa carruur ah sanadkii 2019.
Ninka la xukumay ayaa ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada dalka.
Maxkamaddu waxay sheegtay in inkastoo Mugure uu horey waqti ugu qaatay xabsiga ku-meel-gaarka ah intii uu socday dacwadda, haddana culayska iyo darnaanta dambiga lagu helay ay ka weynaadeen wax kasta oo xaalado fududeyn ah oo loo soo bandhigay dhinaciisa.
Wuxuu maxkamadda u sheegay inuusan ku raacsanayn xukunka, balse garsooruhu wuxuu ku wargeliyay inuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato go’aanka.