Murugo iyo naxdin ayaa hareeyay Tuulada Sosik ee ismaamulka Bomet kadib markii haweeney lagu eedeeyay inay xalay carruurteeda yaryar ku xirtay guriga dhexdiisa kadibna ay dab qabadsiisay.
Sida uu sheegay Taliyaha Booliska ee Degmada Sotik, Sammy Choge, eedeysanaha oo lagu magacaabo Brenda Chelangat Cheruiyot, 40 jir, ayaa la sheegay inay guriga timid, halkaas oo ay ku gubtay labadeeda carruur ah oo lagu kala m,agacaabi jiray Enock Kiptoo, 3 jir, iyo Aron Kipkirui, 6 jir .
Waxaa lagu eedeeyay inay albaabka xirtay, gurigana dab qabadsiisay ka hor inta aysan goobta ka cararin.
Dadka deriska ah oo maqlay qaylada carruurta isla markaana arkay dabka ayaa si degdeg ah u yimid si ay u caawiyaan, balse waxay awoodi waayeen inay badbaadiyaan carruurta, maadaama dabku uu horey u qabsaday guriga oo dhan.




