Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sii wada olole uu ku doonayo inuu bulshada Abagusii ku qanciyo inay taageeraan siyaasaddiisa iyo qorshihiisa ku aaddan inuu mar labaad ku guuleysto doorashada madaxtinnimada sannadka soo socda.
Isagoo ka hadlayay deegaanka Mugirango South, oo uu ka soo jeedo hoggaamiyaha xisbiga Jubilee, Dr. Fred Matiang’i, ayuu Madaxweyne Ruto ugu baaqay siyaasigaas inuu ka baxo isbahaysiga mucaaradka, kuna biiro isaga si ay uga wada shaqeeyaan dhismaha dowladda soo socota.
Madaxweynaha ayaa booqashadiisa waxaa ku wehelinayay dhowr hoggaamiye oo siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Gusii.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo Matiang’i ugu baaqay inuu ku biiro dowladda ka hor...




