Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in mudnaanta ugu weyn ee dowladdiisu ay tahay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda nolosha shacabka.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dadaallada dowladda ay diiradda saarayaan wax ka qabashada caqabadaha dhaqaale ee ay wajahayaan shacabka, isagoo sheegay in kobaca dhaqaaluhu uu yahay jidka ugu wanaagsan ee lagu gaari karo horumar waara iyo nolol wanaagsan oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta.
Wuxuu ugu baaqay shacabka inay taageeraan qorshayaasha horumarineed ee dowladda, isagoo caddeeyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo dhaqaalaha Kenya,isagoona ka warbixiyay sida ay dowladda wax uga qabatay arrimaha dhaqaalaha.




