DHAGEYSO:Madaxweyne Ruto oo maanta dalka oo dhan gaarsiinaya baabuurta gurmadka degdegga ah

0
135

Madaxweynaha dalkani Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in maanta si rasmi ah dalka oo dhan loo gaarsiin doono ama xarigga looga jari doono baabuurta gurmadka degdegga ah ee ambalaasta, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo gurmadka degdegga ah.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in qaybinta ambalaasyadan ay ka mid tahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, isla markaana lagu hubinayo in shacabka ku nool dhammaan dalka dalka ay helaan gurmad caafimaad oo degdeg ah marka ay baahi timaaddo.
Waxa uu xusay in tallaabadan ay yareyn doonto waqtiga ay qaadato in bukaannada iyo dadka ku dhaawacma shilalka ama xaaladaha degdegga ah loo qaado xarumaha caafimaadka, isagoo ku adkeystay in dowladdu ay sii wadi doonto maalgelinta adeegyada caafimaadka si loo xaqiijiyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxaa uuna sheegay madaxweynaha in xaaladaha deg deg ah ay dabooli doonto ceymiska caafimaadka ee SHA.

Dhinaca kale madaxweyne Ruto ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto caqabadaha waxbarashada ee dalka ka jirta ,isagoona carrabka ku dhuftay in uu xil iska saari doono waxbarashada ardayda.