Madaxweynaha dalka oo gaaray Shiinaha

0
303

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa gaaray caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay inuu halkaasi u tagay ka qayb galka shirka iskaashiga caalamiga ee arrimaha waddooyinka.
Kulanka ayaa hal ku dhig looga dhigay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo barwaaqo la wadaago.
Waxaa uu sheegay in Kenya oo kaashanaysa dowladaha la fikirka ah inay mudnaan siin doonto u ololeynta xallinta caqabadaha caalamiga ah.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Kenya ay doonaysa inay xoojiso iskaashiga dhanka kaabayaasha waddooyinka ee kala dhexeya Shiinaha.