DHAGEYSO:Madaxweynaha oo shacabka ugu baaqay in ay iska diidaan siyaasadda qabyaaladeysan

0
140
Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa dadweynaha kula taliyey in ay ka feejignaadaan oo aan lagu khaldin siyaasadda ku saleysan kala qaybinta rayidka iyadoo la adeegsanaya qabyaalad.
Waxaa uu maanta deegaanka Manyatta ee ismaamulka Embu ka sheegay in midnimo qaran ay gundhig adag u tahay baraaraha bulshada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dowladdu ay diiradda saareysa horumar ay aasaas u tahay midnimo isagoo tilmaamay in horumarka dhaqaale uu ku xiran yahay dadaal loo dhan yahay iyo kalsoonida kenyaanka.
Waxaa uu caddeeyay in uunan marnaba oggolaan doonin siyaasadda qabyaaladda ku dhisan in ay ku xoogeysato gudaha waddanka.
Madaxweynaha ayaa cid kasta oo siyaasadda noocani ah faafinaysa ku tilmaamay cadowga horumarka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta laga doonaya in ay ogaadaan in shacabka ay madaxda ku dooran doonaan waxqabadkooda taasina la iskula xisaabtamaya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in waddanka aynan ka dhici doonin shaqaaqooyin amni.
William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray in sanadkii 2022-kii ay jireen mas’uuliyiin keligood dadweynaha ku nool gobolka Bartamaha ku qanciyey in ay isaga u codeeyaan wuxuuna tilmaamay inuu kenyaanka si shakhsi ah taageero u waydiisanayey.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale soo hadal qaaday waxyaabaha dhanka caafimaadka, waxbarashada , guriyeynta, wax soo saarka beeraha iyo mashaariicda kale ee maamulkiisa u qabsoomay tan iyo intii uu hoggaanka la wareegay.

Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in sharciga sanduuqa qaran ee kaabayaasha ee uu dhawaan saxiixay uu horseedaya in Kenya ay hesho tamar ku filan, soo saaridda cunnada, qodidda ceelasha biyaha, waraabinta beeraha, waddooyinka.
Sidoo kale , waxaa uu ka hadlay dhakhliga dowladda ka soo galay qorshihii ay dhawaan ku iibisay saamigii ay ku lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.