Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki oo maanta ku sugnaa ismaamulka Kericho ayaa difaacay go’aanka dowladda ee ay ku iibinaysa saamigeeda ama shirkadaha qaar loogu wareejinaya waaxyo si gaar ah loogu leeyahay si sare loogu qaado wax soo saarkooda.
Waxaa uu ku celceliyay in dhaqaalaha ka soo xaroodo qorshayaashan loo adeegsanaya maalgelinta barnaamijyada horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanduuqa qaran ee kaabayaasha ee National Infrastructure Fund lagu maalgelinaya mashaariicda horumarineed ee muddada dheer jiraya.
Kindiki ayaa si la mid ah madaxweynaha tilmaamay in iibinta saamigii dowladda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom iyo Shirkadda Dhuumaha Shidaalka ee dalka ee Kenya Pipeline ay ka soo xarootay ilaa 350 bilyan oo shilin.
Waxaa uu caddeeyay in la rajeynaya in arrintan waaxyaha gaarka ah looga helo 3.5 bilyan oo shilin oo dheeraad ah sida uu dhigaya nidaamka lagu heshiiyey.
Kindiki ayaa carrabka ku dhuftay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in dowladdu ay maalgelinta mashaariicdeeda u hesho dhaqaale ku filan halkii culeys dheeraad ah la saari lahaa canshuur-bixiyeyaasha.
Waxaa uu tilmaamay in isbeddellada dhaqaale ee dowladda ay yihiin kuwo miro-dhal ah.
Kindiki ayaa tusaale u soo qaatay in maamulka talada haya uu tan iyo sanadkii hore , dib u nooleynta mashaariicda waddooyinka ee uu hakadka ku yimid ay ku bixisay 260 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu ku faanaya inuu shaaciyo in dib loo billaabay ilaa 6,000 oo kiilomitir oo waddooyin ah oo hakad galay 6 sano ka hor.
Waxaa uu intaasi raaciyey in maamulka madaxweyne William Ruto uu bixiyey deymo ka maqnaa qandaraaslayaal oo gaaraya 177 bilyan oo shilin.




