Madaxweyne William Ruto ayaa dhaleeceeyay dadaallada mucaaradka Kenya ay ku doonayaan inay ku midoobaan hal dhinac siyaasadeed iyo inay soo saartaan hal musharrax oo doorashada kula tartama, isaga oo sheegay inuusan dan ka lahayn inay mideeyaan safkooda ama ay yeeshaan hal musharrax.
Ruto ayaa muujiyay kalsooni siyaasadeed, isagoo u muuqday mid aan u arkin midnimada mucaaradka caqabad weyn ku noqon karta isaga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed doorashada soo socota.
Dhanka kale, Madaxweyne William Ruto ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Rigathi Gachagua, isaga oo ku tilmaamay nin hormuud u ah baadda, isla markaana sheegay inuusan u qalmin xil siyaasadeed.
Ruto ayaa Gachagua ku eedeeyay inuu xilkiisii madaxweyne ku xigeenka u adeegsaday inuu lacago baad ah kaga qaado ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dadka doonayay inay xilal siyaasadeed u tartamaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in falalkaas uu ku eedeeyay Gachagua ay sii socdeen xitaa kaddib markii xilka laga qaaday.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay Isniintii, maalintii labaad ee socdaalkiisa Ismaamullada Kisii iyo Nyamira, xilli uu booqasho ku marayay waddada Riamoni-Nyangori iyo mashruuca fidinta korontada ee Last Mile Connectivity, deegaanka Kitutu Masaba ee ismaamulka Nyamira. Intii uu halkaas ka hadlayay, Ruto ayaa su’aal geliyay Gachagua iyo inuu u qalmo hoggaaminta dalka.




