Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Wasiirka ayay ku eedeynayaan inuu ka gaabiyay xallinta falal amni darro oo halkaasi ka dhacay.
Siyaasiyiinta ayaa arrintan ka hadlay xilli labo qof oo ay burcad dishay lagu aasayay galbeedka Marakwet.




