Oburu Odinga oo beeniyay in walaalkii uu ka dalbaday inuunan u tartamin xilka senatarnimo ee Siaya

0
760

Dr. Oburu Odinga oo ka mid ah xildhibaannada golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee (EALA) ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya inuu cadaadis kala kulmayo walaalkiis ka yar ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar ah inuu Raila ka dalbaday Oburu inuu iskaga haro loolanka siyaasadeed ee xilka senatarnimo ee dowlad deegaanka Siaya.
Hasa ahaate Dr. Oburu ayaa hoosta ka xarriiqay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay faafinayaan sida uu hadalka u dhigay fuleeyiin siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay inaysan jirin fursad gaar ah oo uu u fidin karo walaalkii maadaama uu isagaba doonaya inuu qabto hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay inaysan sax ahayn in qoyska Odinga ay si gaar ah u jecel yihiin maamul .
Oburu Odinga ayaa intaasi ku daray inuu si la mid ah musharraxiinta kale xaq dimuqraadi ah u leeyahay tartanka sidaas awgeedna aan loo baahneyn in lagu gacan bidixeeyo musharraxnimada madaxweynenimo ee Raila Odinga.