DHAGEYSO:Wariyeyaasha Turkana oo dibadbax sameeyay

0
633

Suxufiyiinta ka howlgalo ismaamulka Turkana ayaa dhigay dibadbax ay ku dalbanayaan in aan lagu faragelin adeegga ay u hayaan bulshada.
Waxay cabasho ka muujiyeen inay dhibaatooyin kala kulmeen kaaliyaha barasaabka Turkana Josphat Nanok.
Wariyeyaasha ayaa mudaharaad ka sameeyay magaalada Lodwar waxayna sheegeen in toddobaadkii hore loo diiday inay tabiyaan xaflad lagu daahfurayay sanduuqa maalgelinta ganacsi ee ismaamulkaasi oo uu marti sharaf ka ahaa Nanok.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayay ka codsadeen inuu xaqiijiyo in suxufiyiinta Turkana aan la dhibaateyn xilliga ay waajibaadkooda shaqo gudanayaan.