DHAGEYSO:Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Embu oo ku hanjabay inay shaqo joojin billaabayaan toddoba maalmood gudahood

0
150

Adeegyada caafimaadka ee ismaamulka Embu ayaa wajahaya khalkhal ka dib markii kalkaaliyeyaasha caafimaadka ay maamulka dowlad deegaanka siiyeen ogeysiis shaqo joojin ah oo soconaysa toddoba maalmood. Kalkaaliyeyaasha ayaa ka cabanaya in aan la fulin heshiis ay dowladda deegaanka la gaareen sanadkii 2024-kii.
Xoghayaha ururka kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee laanta Embu, Macharia Kanderi, ayaa sheegay in heshiiskaas uu maamulka ku waajibinayay inuu dallacsiiyo kalkaaliyeyaasha takhasuska leh, kuwa da’dooda tahay 57 sano iyo wixii ka weyn, iyo sidoo kale shaqaalaha muddo ka badan toddoba sano ku jiray hal darajo shaqo inkastoo ay xaq u lahaayeen dallacsiin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in heshiiska uu quseeyay kalkaaliyeyaasha horey u gaaray waqtigii loo dallacsiin lahaa, balse aan weli helin xuquuqdooda shaqo. Sida uu sheegay, arrimahaas ayaa muhiim u ahaa hagaajinta xaaladda shaqaalaha caafimaadka ee ismaamulka.
Macharia Kanderi ayaa caddeeyay in afar qodob oo lagu heshiiyay mid keliya la fuliyay ilaa hadda. Waxaa uu uga digay maamulka dowlad deegaanka Embu in kalkaaliyeyaasha ay joojin doonaan adeegyada caafimaadka haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin cabashooyinkooda muddada toddobada maalmood ah gudaheeda.