DHAGEYSO:Dadka degaanka Sunrise ee magaalada Maralal oo cabasho ka muujiyay waddada magaalada

0
144

Dadka ku nool xaafadda Sunrise ee duleedka magaalada Maralal ee ismaamulka Samburu ayaa ka cabanaya in waddadii laga geli jiray xaafaddooda si sharci darro ah loo qaatay, taasoo ku khasabtay inay isticmaalaan waddooyin ciriiri ah iyo marinno kale oo aan rasmi ahayn si ay uga baxaan ama ugu soo galaan deegaankaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladdan ay saameyn weyn ku yeelatay isu socodka bulshada, gaadiidka iyo adeegyada muhiimka ah, iyagoo tilmaamay in waddadii hore ay ahayd marin muhiim u ah dadka deegaanka muddo dheer.
Waxaa ay sheegeen in dhibaatada ay sii kordhayso xilliyada roobabka, maadaama waddooyinka ay hadda adeegsanayaan ay noqdaan kuwo adag in la maro. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale muujiyay walaac la xiriira ammaanka iyo gaarsiinta adeegyada degdegga ah.
Dadka degaanka Sunrise ayaa hadda maamulka degmada magaalada Maralal ka dalbanaya inay si degdeg ah u farageliyaan arrintan, dibna loo soo celiyo waddada ay sheegeen in laga qaatay bulshada deegaanka.