DHAGEYSO:Guddoomiyaha bulshada laga tira badan yahay ee Wajeer oo baaq u diray shacabka ismaamulkaas

0
57

Guddoomiyaha bulshada laga tirada badan yahay ee magaalada Wajeer, Cabdikariim Xaaji, ayaa ugu baaqay shacabka reer Wajeer inay garab istaag buuxa u muujiyaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto doorashada soo socota ee sanadka 2027.
Cabdikariim Xaaji oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo taageero si loo sii xoojiyo horumarka iyo adeegyada dowladda ka waddo deegaanka.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay bulshada laga tirada badan yahay inay si degdeg ah u qaataan codadkooda, maadaama ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha uu marayo gabagabo.
Waxaa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta uu helo kaarkiisa codbixinta si uu uga qeyb qaato doorashooyinka dalka iyo go’aan ka gaarista hoggaanka mustaqbalka.