Diyaarad yar oo duulimaad gudaha ah ka waday dalka Suudaanta Koonfureed ayaa ku burburtay meel ka baxsan caasimadda Juba, waxaana ku dhintay dhammaan 14-kii qof ee saarnaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay in diyaaradda ay ku dhacday qiyaastii 20 kiiloomitir mel koonfur galbeed ka xigta Juba, wax yar ka dib markii ay ka kacday magaalada Yei. Baarayaal ayaa loo diray goobta si ay u baaraan sababta shilka.
Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in shilka laga yaabo inuu la xiriiro xaalado cimilo oo liita, oo ay ku jirto aragti hoose, inkasta oo mas’uuliyiinta ay sheegeen in baaritaan buuxa uu socdo. Diyaaradda oo ahayd nooca Cessna 208 Caravan, ayaa waxaa maamuleyay shirkadda CityLink Aviation Ltd, waxaa ayna ka duushay magaalada Yei saacaddu markay ahayd 9:15 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.
Rakaabka ayaa isugu jiray 12 muwaadiniin u dhashay Suudaanta Koonfureed iyo laba Kenyaan ah, marka laga reebo duuliyaha. Mas’uuliyiinta ayaa sheegeen in dadaallo lagu ogaanayo duruufaha sababay shilka ay socdaan, isla markaana qoysaska dhibbanayaasha lala xiriirayo.




