Ganacsatada suuqa Toi ee ismaamulka Nairobi ayaa billaabay in ay dib u dhistaan goobihii ay ku ganacsanayeen oo maalmo ka hor uu burburiyay dab suuqaasi saameeyay.
Waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay ilaa afar qof.
Ganacsatadan ayaa garab isugu jiro lacag iyo agab ka helay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Qaar ka mid ah dadkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku adag tahay in ay sii wataan howlahooda ganacsi maadaama ay hanti badan lumiyeen oo lagu leeyahay deymo.