DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay in ilaa iyo hadda 18 qof ay ku dhinteen roobabka da’ay

0
176

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay roobabka culus ee da’ay iyo saameyntooda ay gaartay 18 qof.
Tirada ayaa sii korortay kadib markii ay geeriyoodeen saddex qof oo dheeraad ah.
Dhimashooyinka ayaa u badan dad ay biyuhu qaadeen halka ilaa 63 ruux la la’yahay.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in 9 qof ay ku nafwaayeen gobolka Bariga dalka ,waxaa soo raaca gobolka Bartamaha oo ay 3 ruux ku dhinteen, Xeebta, Nairobi iyo Rift Valley oo min labo dhimasho ah.
Dhanka kale , dowladda ayaa caddeysay ilaa 59 aag ama goobood oo ka tirsan ismaamulka Tana River oo xiga dhanka ceelasha waawayn ee Seven Forks ay daadad halis ugu jiraan.
Dadka meelahan ku nool ayaa laga dalbaday in ay si degdeg ah uga wareegaan.
Aagaggan ayaa kala ah 32 hoos taga degaanka Tana Delta ,Tana River Sub-county oo 10 ah , 8 ka tirsan Bangal Tarasaa oo 6 goobood ah iyo deegaanka Tana North oo 3 ah.
Waxay intaasi ku dartay in ay sii kordhayaan heerarka biyaha ee toddobbada ceel ee waawayn ee loo yaqaano Seven Forks .
Sidoo kale , ismaamulka Nairobi waxaa fatahaadaha ku barakacay qiyaastii 6,600 oo qof halka ay burbureen kaabeyaal sida waddooyin, dugsiyo iyo guriyo la deggan yahay oo ku yaalla deegaanno dhowr ah oo ka tirsan caasimadda dalka.
Gobolka Bartamaha Kenya , gaar ahaan dowlad deegaannada Kirinyaga iyo Kiambu ayaa laga soo tabiyey daad baahsan oo saameeyay guriyo , waddooyin iyo buundooyin.
Galbeedka Mwea keliya waxaa ku barakacay 3,000 ruux.
Gobolka Bariga, dhimashada ugu badan ee ka dhalatay roobabka iyo daadadka ayaa laga diiwaangeliyay ismaamulka Makueni.
Dowladda ayaa sheegtay in iyadoo loo maraya kooxaha iskudhafka ah ee falcelinta in si dhow loola socdo xaaladda oo la isku dubaridaya dadaallada falcelinta ee guud ahaan gobollada ay saameynta soo gaartay.
Shacabka deggan meelaha hooseeya iyo aagagga u nugul fatahaadaha ee gobollada Xeebta, Waqooyi Bari,Rift Valley, buuraleyda iyo Nairobi ayaa lagula talinaya in ay aad u taxadaraan oo ay si degdeg ah ugu guuraan meelaha sarreeya.
Maamullada ayaa ka digaya in heerarka biyaha ee sii kordhaya iyo roobabka da’aya ay maalmaha nagu soo aaddan xaaladda ka dhigi karaan mid cakiran.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in warbixinnada dhawaan soo baxay ay tilmaamayaan in dhul go’ uu saameeyay ismaamullada Tharaka Nithi, Elgeyo-Marakwet iyo Kiambu taasoo si wayn u saameysay qoysas badan.
Dadkan ayaa guriyahooda ka barakacay wuxuuna sidoo kale burbur soo gaaray hanti iyo kaabeyaasha waxaana hadda socdo howlgallo samatabixin iyo daadgureyn isugu jira.
Qaar ka mid ah dadka ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa yiri.