Booliiska oo waddada xiriirisa Thika iyo Garissa ku qabtay bas hub siday

0
430

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in koox amni oo iskudhaf ah oo maareynayay barkontoroolka Kanyonyoo ee waddada wayn ee xiriirisa Thika iyo ismaamulka Garissa ay qabteen bas ay leedahay shirkadda Buscar Sacco oo hub sida.
Qoraalka DCI waxaa ku cad in laga hor tagay khatar culus oo dhanka ammaanka ah.
Baskan oo ay taargadiisu tahay KCW 208A ayaa ka yimid ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta wuxuuna ku soo wajahnaa Nairobi.
Ciidamada oo sameynayay kormeer caadi ah ayaa ka shakiyey sanduuq baluug ah kadibna markii ay fureen waxay ka heleen ilaa 19 xirmo oo ah rasaasta nooca qoriga ee G3, 116 kale oo ah nooca qoriga ee AK-47, labo qasnadood oo maran, labo baangadood, dareeska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo waxyaabo kale.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in waxyaabahan laga soo dhiibay Mokowe booking office ee ismaamulka Lamu in kastoo aan lagu soo qorin macluumaadka cidii baska soo saartay.
Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah isla goobta ugu xiray wadaha baska Said Abdulrazak Ahmed Abadalla iyo gacan-yarihiisa Bernard Ochieng Odhiambo.
Labada qof iyo baska ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Kanyonyoo halkaasi oo lagu hayn doono iyadoo ay dhanka kale baaritaannada socdaan.
Dhanka kale , saraakiisha booliiska ee ismaamulka Embu oo baaritaanno ku hayey falal dhac ah oo la soo tabiyey ayaa qabtay hal eedeysane iyo agab kala duwan oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Qalabkan waxaa ka mid ah taleefoonnada gacanta, kombiyuutarrada shakhsiyeed ee Laptops-ka iyo kuwo kale.