Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa codsaday in hoos loo dhigo xiisadda siyaasadeed iyadoo maamulkiisa uu xoojinaya tallaabooyinka lagula tacaalaya daadadka.
Waxaa uu maanta kaniisadda PCEA Evergreen Parish ee deegaanka Westlands uu ka sheegay in ay sare u qaadayaan howlgallada ka dhanka ah dhisidda sharci darrada.
Sakaja ayaa wacad ku maray in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo ansixisay in guriyo laga dhiso meelaha u dhow webiyada ee biyo mareennada ah.
Waxaa uu xusay in ay jiraan meelo lala wareegay oo dib loo soo celinaya.
Barasaabka ayaa tilmaamay in howlo dumin ah laga sameynaya Kirichwa Kubwa oo ka tirsan xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale , waxaa uu ku taliyey dulqaad siyaasadeed isagoo cambaareeyay shaqaaqooyin saameeyay isku soo baxyo dadweyne oo dhawaan qabsoomay.




