Ciidamo ammaanka oo ka kala socday hay’ado kala duwan ayaa hawlgal ka sameeyay deegaanka Kamenya ee ismaamulka Kisumu, halkaas oo lagu qabtay qof looga shakisan yahay inuu ka ganacsado mukhaadaraadka.
Booliisku waxay baaritaan ku sameeyeen guriga haweeneey, waxaana halkaas laga helay 25 xirmo oo waaweyn oo xashiishad ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha jawaan.
Haweeneyda ayaa isla goobta lagu xiray, waxaana loo gudbiyay saldhigga booliiska Dago, iyadoo xashiishaddii laga dhigay caddeyn loo adeegsan doono dacwadda.
Hay’adda Booliiska Qaranka Kenya ayaa shacabka uga mahadcelisay wada-shaqeynta iyo xogaha ay bixiyaan, iyadoo sheegtay in howlgallada ka dhanka ah mukhaadaraadka sharci-darrada ah ay sii socon doonaan.
Booliisku waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay soo sheegaan falalka dambiyada ama dhaq-dhaqaaqyada looga shakiyo.
Maanta oo isniin ah ayaa la filiya in maxkamadda la soo taago eedeysanaha.




