Ardayda dugsiga sare ee Saabuunleey ee ismaamulka Wajeer ayaa natiijo wanaagsan ka soo hooyay imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore oo natiijadiisa si rasmi ah loo shaaciyay.
Saddex ka mid ah ardayda ayaa helay buundada A- halka midda ku soo xigta ee B+ ay heleen 27 arday.
Maamulaha dugsiga sare ee Saabuunleey ee ismaamulka Wajeer ayaa warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay natiijada KCSE-da ee sanadkii hore wuxuuna sheegay inay rajeynayeen buundooyin intan ka sare balse ay ku faraxsan yihiin natiijada soo baxday.
Maamulaha dugsiga sare ee Saabuunleey ee ismaamulka Wajeer Cabdinuur Xaaji ayaa dhanka kale nala wadaagay magacyada saddexda arday ee dugsigaasi ugu horreysay sanadkii 2023-kii.
Ugu dambeyn maamulaha ayaa baaq u diray waalidiinta.
Dhanka kale waxaa natiijada ardayda dugsiga sare ee Saabuunleey ee ismaamulka Wajeer ay heleen ka mahadceliyay guddoomiyaha ururka waalidiinta iyo macallimiinta dugsigaasi ee PTA loo yaqaano.
Dugsiyada ku yaalla xeryaha qaxootiga iyo deegaanka Dadaab ee natiijada wanaagsan ka soo hooyay imtixaanka KCSE-da ee sanadkii hore waxaa ka mid ah iskuullka Geedi Secondary ee xerada IFO sida uu idaacadda Star FM u sheegay Hormuudka iskuullada Geedi, Macalin Faysal Maxamad Geedi.
Isla qaxootiga waxaa sidoo kale buundooyin wanaagsan helay ardayda dugsiyada Bushra iyo Ixsaan ee Xagardheer sida uu faahfaahinaya maamulaha guud ee dugsiyadan Macallin Cabdiweli Xuseen.