Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 15 ruux ka dib markii uu xalay shil ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret ee gobolka Rift Valley.
Shilka oo laga soo tabiyay buundada Twin Bridge ayaa u dhexeyay bas ay leedahay shirkadda Classic Kings iyo mid ka mid ah mataatuuda shirkadda North Ways Shuttle.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in dadka shilkan ku dhaawacmay oo aan tiradoodu la shaacin la geeyay isbitaalka degaanka Molo ee ismaamulka Nakuru si halkaasi loogu daaweeyo.
Warbixinta laamaha ammaanka ayaa muujinaysa in labada baabuur ay isku dhaceen xilli darawalka mid ka mid ah gawaaridan uu doonayay inuu kan kale ka hor maro.
Booliiska ayaa gaadiidleyda ugu baaqaya inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga hor tago shilalka waddooyinka.
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore waxaa gudaha wadanka ku soo badanayay dhacdooyinka shilalka.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in sanad kasta ay gudaha wadanka shilal ugu dhintaan ilaa 3,500 oo qof.