DHAGEYSO:Dacwad ka dhan ah xil ka qaadistii Gachagua oo berri dib u billaabanaysa

0
25

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga Democracy for the Citizens Party (DCP) Rigathi Gachagua ayaa shaaciyey inuu berri dib ugu laaban doono maxkamadda.
Waxaa uu ka soo horjeedaa tallaabadii horay xilka madaxweyne ku xigeenka waddanka looga xayuubiyey.
Gachagua ayaa ku doodaya in xil ka qaadistiisi ay ahayd sharci darro sidoo kalena ay jireen khaladaad dhanka dastuurka ah.
Waxaa uu maanta xaafadda Bamburi ee ismaamulka Mombasa ka sheegay inuu uruuriyey caddeyn culus oo muujinaysa in xilka looga qaaday qaab siyaasadeysan dastuurkana lagu xadgudbay.
Waxaa uu caddeeyay in kooxda qareennada ah ee isaga matalaya ay toddobaad gudigiisa maxkamadda u gudbin doonaan dacwad.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa sheegay in ka qareen ahaan uu fahansan yahay in bishii Tobnaad ee sanadkii 2024-kii, Rigathi Gachagua xilka looga qaaday si sharci darro ah.