DCI oo sheegtay in Sahara Axmad Barre loo xiray kicin dadweyne

0
117

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay galabta soo saartay ku xaqiijisay in xabsiga loo taxaabay Sahara Axmad Barre oo loo yaqaano Siman oo ku eedeysan kicin dadweyne.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada uu ku faafay muuqaalka gabadhan oo ay waaxdu sheegtay inuu wax u dhimaya wadajirka qaran.
DCI ayaa hoosta ka xarriiqday in muuqaalkaasi si qoto dheer oo degdeg ah qiimeyn loogu sameeyay iyadoo ay dhanka kale socdaan baaritaanno lagu ogaanaya ujeeddada hadalladeeda.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in tuhmanaha ay hadda ku jirto saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.
DCI ayaa qoraalkeeda waxay shacabka ku xusuusisey in laga doonaya in xurriyadda muujinta dareenka ay u adeegsadaan si xilkasnimo leh oo aan ka baxsanayn xeerarka dastuuriga.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa laga soo xigtay in hadallada keeni karo kala qaybsanaan , naceyb ama khatar gelinaya wadajirka nabdoon loola tacaalaya si adag .
Waxaa dadweynaha loogu baaqay in ay degganaan muujiyaan , ay nabad galyada ku dadaalaan sidoo kalena ay iska ilaaliyaan inay sii faafiyaan xogaha sii hurin karo xiisadaha.
Wakiilka deegaanka hoose ee Galbet Ward ee ismaamulka Garissa Abubakar Maxamad Khaliif ayaa dhankiisa cambaareeyay xarigga Sahara Axmad Barre.
Waxaa uu sheegay inuu aad uga xumaaday tallaabadaasi iyadoo dhanka kale aan weli la soo xirin askari ku eedeysan inuu 21-kii bishan dilay wiil taksiile ahaa.
Wakiilka ayaa qoraal ku sheegay in tani ay wax u dhimaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hannaanka cadaaladda ee dalka.
Waxaa uu sheegay in la doonaya in sharciga uu si siman u qabto rayidka iyo saraakiisha ammaanka labaduba.
Abubakar Maxamad Khaliif ayaa intaasi raaciyey in mowqifkooda uu cad yahay oo uunan waxba iska beddelin ayna dalbanayaan in la soo xiro oo maxkamadda la geeyo sarkaalkii lagu eedeyay dilka Aaden Maxamad Xasan.

Dhanka kale , taliyaha booliiska ee ismaamulka Garissa Samson Chelugo ayaa ku baaqay degganaan iyo xasillooni wuxuuna cidii dareemaysa khatar amni u sheegay in ay soo wargeliso laamaha ammaanka.