Waxaa xalay tuulo ka tirsan degmada Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka lagu dilay nin waayeel ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay inuu fal xatooyo ah ku kacay.
Qaar ka mid ah shacabka oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in qoysas badan horay looga dhacay lo’, ari iyo sidoo kale digaag oo ninka xalay la dilay la qabtay xilli uu arrintaasi ku howlanaa.
Meydka eedeysanaha ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya iyadoo ciidamada ammaanka ay dadweynaha ku boorriyeen in aynan dilal gaysan balse ay ku wargeliyaan booliiska.




