Dalalka Khaliijka oo xiray hawadooda

0
360

Wadamada Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiray hawadooda kadib markii ay la kulmeen khatar weerar oo ka dhan ah Iran.
Qatar ayaa soo saartay digniin ku saabsan aaladaha mobilada, iyadoo ku talinaysa dhammaan dadka deegaanka inay guryahooda joogaan ama meel kale aadaan , kana fogaadaan saldhigyada militariga.
Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay Abu Dhabi, Imaaraadka Carabta, ka dib markii la qabtay dhowr gantaal oo laga soo riday Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda iyadoo gantaalo kalena ay saameyn ku yeesheen gudaha waddanka Imaaraadka.
Wadamada khaliijka ah meelaha qaraxyada laga soo tabiyay ayaa kala ah
Abu Dhabi, UAE
Manama, Bahrain
Kuwait
Wasaaradda Difaaca ee Qatar ayaa sheegtay in nidaamka difaaca ee Patriot uu qabtay gantaal Iiraani ah.
Qatar Airways waxay joojisay dhammaan duulimaadyadii sababo la xiriira xiritaanka hawada Qatar.
Sido kale Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Qatar, Kuwait, Bahrain, UAE, Cumaan, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Iiraan iyo Urdun.
Dhinaca kale Baxrayn waxay xaqiijisay in xarunta ciidamada Badda ee 5aad ee Mareykanka lagu bartilmaameedsaday weerar gantaal.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale soo sheegaysa qaraxyo ka dhacay Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.