Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa sheegtay in Israa’iil iyo Mareykanka ay mar kale weerareen Tehran iyagoo jebinaya dhammaan sharciyada caalamiga ah iyo inta lagu jiro wadahadallada, Nukliyeerka sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Tasmin.
War-saxaafadeed ay soo saartay, wasaaraddu waxay amar ku siisay guddoomiyeyaasha dalka oo dhan inay sameeyaan tilmaamo hore iyo warbixinno “degdeg ah” oo ku saabsan xaaladda gobollada iyo “abaabulidda dhammaan xarumaha si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee dadka”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay saaka bartilmaameedsadeen “xuquuqda dhuleed iyo madaxbannaanida qaranka ee dalka, oo ay ku jiraan kaabayaasha difaaca iyo goobaha aan militariga ahayn ee magaalooyinka kala duwan ee dalka.”
Iiraan ayaa xaqiijisay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Israa’iil ka dib weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil.




