Dab xoogan oo saaka ka kacay dukaamo ganacsi oo ku yaala ismaamulka Baringo

0
462

Ganacsatada Kabarnet, ee ismaamulka Baringo, ayaa soo gaartay khasaare baaxad leh ka dib markii uu arroornimadii hore saaka uu dab qabsaday dhowr dukaan.
Dabku si degdeg ah ayuu ugu fiday aagga, isagoo burburiyay ganacsiyo badan, wax yarna kama badbaadin.
Dabkan ayaa lagu soo warramaya in suuqa qabsaday xili ay goobtaas ganacsi mashquul badan ahayd .
Ganacsatada ayaa muujiyay walaac ku saabsan baaxadda burburka iyo saameynta uu ku yeeshay ganacsatada suuqaas.
Si kastaba ahaate laamaha ammaanka ayaa wada baaritaano lagu ogaanayo sababtii ka dambaysay gubashada suuqa kabarnet ee Baringo.