Daadad ku dhuftay 8 goobood oo codbixin ah oo ku yaal Baringo ka hor doorashada ku celiska ah ee Khamiista

0
376

Siddeed goobood oo codbixineed oo ku yaal deegaanka Koonfurta Baringo ayaa daadad ku dhufteen iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC uu sheegay inuu u baahan yahay inuu diiwaangeliyo xarumo kale si ay codbixinta uga sii socoto Khamiista xaafadaha Ilchamus iyo Mukutani.
Goobaha ay dhibaatadu saameysay ayaa ku jiraan iskuullo ay IEBC had iyo jeer u isticmaali jirtay doorashooyinkii guud ee hore.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta guddiga ee Koonfurta Baringo biyaha ayaa inta badan ka imaaday buuxdaafa Harada Bogoria iyo tan Baringo.
IEBC ayaa sheegtay in inkastoo ay jiraan caqabadahan haddana ay jiraan qorsheyaal lagu adkeynaayo hufnaanta iyo cadaalada doorashada ku celiska ah ee ka dhici doonto Koonfurta Baringo.