Cudurka dilaaga ah ee Kala-azar ayaa si xawli ah ugu sii fidaya gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi iyo meelaha ay abaaruhu ka jiraan, iyadoo uu sababay dhimasho badan. Cudurkan ayaa waxaa faafiya cayayaan yaryar oo loo yaqaano sandfly, waxaa uuna noqon karaa mid dilaa ah haddii aan si degdeg ah loo daaweyn. Calaamadaha cudurka ayaa waxaa ka mid ah qandho, miisaan dhimis iyo barar ku dhaca beerka iyo beeryarada.
Tirada kiisaska cudurka ayaa si weyn u kordhay sanadihii u dambeeyay. Kiisaska ayaa ka kordhay 1,575 sanadkii 2024 ilaa 3,577 sanadkii 2025. Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in cudurku ku sii fidayo meelo uusan hore u jirin, taas oo lala xiriirinayo isbeddelka cimilada iyo kordhinta degsiimooyinka dadka. Malaayiin qof ayaa la rumeysan yahay inay halis ugu jiraan cudurka.
Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu kordhiyay taranka cayayaanka faafiya cudurka. Sidoo kale waxaa jira xaruumo aad u yar oo dalka ku yaalla oo awood u leh inay si sax ah u baaraan ama u daweeyaan cudurka.
Daaweynta Kala-azar ayaa qaadan kartaa ilaa hal bil, iyadoo u baahan irbado maalin kasta la qaato, mararka qaarna dhiig lagu shubo bukaanka. Kharashka daaweynta ayaa aad u sarreeya, waxaana cudurka inta badan saameeya dadka saboolka ah. Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in kiisaska ay sii kordhi karaan marka roobabka bilaabmaan.




