Ciraaq oo Beenisay Wararka Sheegaya in Xuutiyiinta Yemen ay Dalkaas Ka Hawlgalaan

0
46

Dowladda Ciraaq ayaa beenisay wararka warbaahinta qaarkeed ay baahisay ee sheegaya in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay saldhig ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.
Afhayeenka dowladda Ciraaq, Haider al-Aboudi, ayaa sheegay in Baqdaad aysan oggolaan doonin in kooxna ay dhulka Ciraaq u adeegsato hanjabaad ama weerarro ka dhan ah dalalka deriska la ah.
Dhanka kale, Guddiga Warbaahinta iyo Isgaarsiinta Ciraaq ayaa uga digay warbaahinta faafisa warar been abuur ah oo ka dhan ah hay’adaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida, iyagoo sheegay in tallaabooyin ciqaabeed oo culus laga qaadi karo.
Bishii Sebtembar ee sannadkan, Sacuudi Carabiya ayaa lagu qasbay inay xirto dhuunkeeda muhiimka ah ee shidaalka ee isku xirta bariga iyo galbeedka dalka, kaddib markii ay ku dhufteen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray gudaha Ciraaq.