Maxkamadda Sare ee Darajada Koowaad ee Nakuru ayaa oggolaatay in laga noqdo dacwado musuqmaasuq oo ka dhan ahaa lix sarkaal oo ka tirsan maamulka ismaamulka Nakuru, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qaateen lacago laaluush ah oo la xiriira heshiisyo qandaraasyo, kaddib markii saddex shirkadood la siiyay lacag dhan 120.4 milyan.
Xafiiska Agaasimaha dacwad oogidda dadweynaha ODPP ayaa maxkamadda ka codsaday in laga noqdo eedeymaha tirsigoodu yahay 12 ilaa 17 ee loo haystay saraakiisha, isaga oo ku sababeeyay in dib-u-eegis lagu sameeyay caddeymaha aysan muujin xiriir u dhexeeya lacag-bixinnada la baarayay iyo hannaan qandaraas ama wax-iibsi dowladeed.
Lixda sarkaal ee eedeymaha laga noqday ayaa kala ah Daniel Ndung’u Wainaina, Kennedy Mungai Barasa, Timothy Kiogora Murithi, Josphat Kimemia, Peter Thabanja iyo Dr Solomon Sirma.
Codsiga ayaa la oggolaaday Isniintii, iyadoo uu guddoominayay Garsoore Tito Gesora oo ah garsooraha maxkamadda darajada koowaad. Hase yeeshee, Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa EACC ayaa walaac ka muujiyay go’aanka, isaga oo sheegay inaan si rasmi ah loogu wargelin qorshaha dacwad oogidda ee ka noqoshada eedeymaha.
EACC ayaa sheegtay inay maxkamadda ka codsatay in dacwad oogidda lagu amro inay gudbiso codsi qoraal ah oo rasmi ah, isla markaana ay nuqul ka gaarsiiso hay’adda baaritaanka wadday, si guddigu u helo fursad uu talo uga qaato dhinacyada ay khuseyso ugana jawaabo codsiga. Guddigu wuxuu arrintan ku sababeeyay muhiimadda ay u leedahay danta guud.
Sida ku cad warqadda eedeymaha, kiiska guud wuxuu ka dhashay baaritaanno la xiriiray tuhunka iskahorimaadka danaha, kaas oo ku lug lahaa shaqaale ka tirsan maamulka ismaamulka Nakuru iyo shirkado lala xiriiriyay seygeeda, Kenneth Murithi Ndubi.
Lixda sarkaal oo la xiray bishii Luulyo ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuqmaasuq, iyagoo laaluush u qaatay inay saameyn ku yeeshaan habraacyada qandaraasyada dowladda.
EACC ayaa sheegtay in faragelinteedu ujeeddadeedu ahayd in la hubiyo in si rasmi ah loogu wargeliyo codsiga, isla markaana la siiyo fursad ay jawaab uga bixiso, maadaama ay door ku lahayd baaritaanka kiiska, isla markaana arrintu ay dan guud taabanayso.
Maxkamaddu waxay oggolaatay codsiga, iyadoo aqbashay qiimeynta caddeymaha ee xeer-ilaalinta, isla markaana xustay in awoodda dacwad-oogistu ay u taallo Agaasimaha dacwqad oogidda DPP.




