Ciidamada militariga ee dalka oo la geeyay Baringo ka dib weerar dhawaan la soo tabiyay

0
274

Waxaa deegaanka Koonfurta Baringo laga howlgeliyay ciidamada difaaca ee dalka ka dib markii dhawaan la soo tabiyay in koox burcad ah ay isku hareeraysay xero ay saraakiisha sida militariga u tababaran ee GSU-da ay halkaasi ku leeyihiin oo ku yaalla aagga Kapindasum.
Kooxda ayaa la soo tabiyay inay halkaasi ku sugnayd in ka badan 6 saacadood.
Hasa ahaate adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa dhankiisa beeniyay in weerarkan uu dhacay waxaana tani taliyaha guud ee booliiska dalka ku dhaliilay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga ammaanka ee baarlamaanka Gabriel Tongoyo oo deegaankaasi tagay si ay kormeer amni u soo sameeyaan.
Xildhibaanka Koonfurta Baringo Charles Kamuren ayaa sheegay in booliiska dalka uunan beenin karin in weerar la soo qaaday iyadoo uu aaggaasi walaac ka jiro.
Mas’uuliyiinta ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka dalbaday inay arrinkan baaritaano dabagal oo xaqiiqo raadin ah ku sameyso.