Barasaabka Meru oo xilka laga qaaday

0
297

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru ayaa markii labaad muddo toban bilood gudaheeda ah waxay xil ka qaadis ku sameeyeen barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Mwangaza codkooda ku taageeray 59 wakiillo ah iyadoo kal-fadhigaasi aynan ka qayb gelin toban kale.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Meru Ayub Bundi ayaa shaaciyay in mooshinka uu meel maray sidaasi awgeedna Kawira Mwangaza laga xayuubiyay jagadii ay haysay.
Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii wakiillada Meru ay xil ka qaadis ku sameeyeen barasaabka balse waxaa taasi laalay aqalka sare ee dalka.
Xil ka qaadista guddoomiyaha ismaamulka Meru ayaa lagu saleeyay eedeymo ay ka mid yihiin inay ku tagriifashay kheyraadka dadweynaha , habdhaqan xumo baahsan iyo dafiraadda amarrada golaha hoose iyo kuwa maxkamadda.
Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inay mid ka mid ah ehellada odaygeeda ka dhigtay madaxa fulinta ee adeegga dhallinyarada Meru ee (MYS) iyo sii hayaha xilka sarkaalka sare ee waaxda maaliyadda.
Kawira Mwangaza waxaa sidoo kale loo haystay inay lacagaha dadweynaha ku maalgelisay hay’ad samafal oo ay iyada hoggaamiso oo loo yaqaano Okolea.
Mwangaza waxaa kale oo lagu tuhmay inay qaar ka mid ah ehelladeeda gaysay dibadda iyadoo isticmaalaysa kheyraadka ismaamulka Meru.
Sidoo kale waxaa lagu dhaliilay in ku xigeenkeeda Isaac Mutuma aynan ka qayb gelin kulamada guddiga fulinta iyo shaqooyinka kale ee rasmiga ah.
Waxaa hadda arrinteeda loo gudbin doonaa aqalka sare oo ayidi doono go’aanka wakiillada Meru ama meesha ka saari doono.