Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Galmudug iyo shacabka magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan xubnaha Golaha Wakiiladda iyo Golaha Deegaanka ee Galmudug.
Dhankiisa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo saaka looga dareeray degmooyinka iyo deegaanada labada dowlad goboleed.
Dhinaca kale dadkii ka qeyb qaatay codeynta ayaa darreenkooda la wadaagay warbaahinta.




