Booliska ayaa ballaariyay baaridda falkii rabshadaha ahaa ee lagu weeraray kolonyo siyaasadeed oo marayay Waddada Kisii–Keroka, iyagoo u yeeray Xildhibaan Zaheer Jhanda oo laga soo doorto Nyaribari Chache si wax looga weydiiyo, halka ay sidoo kale soo xireen afar eaysane oo kale, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee dadka u xiran toddoba qof.
Booliska ayaa sheegay in xariggan ugu dambeeyay uu yimid ka dib baaritaanno xiriir ah oo lagu sameeyay rabshadihii ka dhacay Keumbu maalintii Jimcaha ee July 3-da, markaas oo taageerayaal lala xiriirinayo dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi la weeraray xilli ay u socdaen magaalada Keroka si ay uga qaybgalaan isku-soo-bax siyaasadeed.
Sida ay boolisku sheegeen, hawlgalkan waxaa hormuud ka ahaa saraakiil ka tirsan Saldhigga Booliska Keumbu iyo dembi-baarayaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista DCI ee bartmaha Kisii , kuwaas oo raad-raacayay eedaysanayaasha lagu aqoonsaday muuqaallada, warbixinada markhaatiyada iyo xogaha kale ee sirdoonka.
Laamaha amaanka ma aysan shaacin kaalinta uu ku leeyahay xildhibaan Jhanda, iyagoo sheegay in baaritaannadu ay weli socdaan.
Xariggan ugu dambeeyay ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii dembi-baarayaashu ay ku dhawaaqeen xarigga saddex eaysane ka dib weerarka, kaas oo dhalinyaro iska soo horjeeda la sheegay inay jidgooyo u dhigteen Waddada Kisii–Keroka, ka dibna ay dhagaxaan iyo walxo kale ku tuureen gawaaridii ku jirtay kolonyada.
Dhowr taageerayaal ah ayaa la sheegay inay dhaawacmeen, halka baabuur badan ay iyaguna waxyeello soo gaartay.
Booliska ayaa sheegay in baaritaanku uu weli si firfircoon u socdo, iyadoo dembi-baarayaashu ay ku raad-joogaan xog weyn oo loogu talagalay in lagu aqoonsado qof kasta oo ku lug lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkaas.
Home Wararka Kenya Booliska oo u yeeray Xildhibaanka Nyaribari Chache ka dib weerarkii lagu qaaday...




