Murkomen oo difaacay barnaamijyada haweenka iyo dhalinyarada lagu xoojinayo ee ay dowladdu taageerto

0
145

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo maamulka qaranka, Kipchumba Murkomen, ayaa difaacay barnaamijyada awood-siinta iyo horumarinta ee ay hormuudka ka yihiin madaxda xulafada la ah dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijyadan ay yihiin tiir xajmi weyn ku leh Ajandaha Isbeddelka Dhaqaalaha ee salka hoose ka billowda ee BETA ee maamulka Kenya Kwanza, kaas oo u jeedkiisu yahay in kor loogu qaado hab-nololeedka dadka ku nool miyiga iyo danyarta.
Murkomen ayaa tilmaamay in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso kooxaha iskaashatada ah ee is-caawiya, isagoo ku sifeeyay inay yihiin hannaanka ugu waxtarka badan ee lagu abaabulo bulshooyinka, lagu ballaariyo fursadaha dhaqaalaha, laguna dardargeliyo horumarka deegaanka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirangelinayay kooxaha ee deegaanka oo ka dhacday Garoonka Kaptilol ee Deegaanka Kaptarakwa, Ismaamulka Elgeyo-Marakwet.
Wasiirka ayaa sheegay in hindisayaasha noocan oo kale ah ay dhammaystirayaan dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo dakhliga qoysaska iyadoo la taageerayo beeralayda, ganacsiyada yaryar iyo kooxaha bulshada.
Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabisay wakiilka Haweenka Elgeyo-Marakwet, Caroline Ng’elechei, iyadoo beeralaydu ay halkaas ku heleen agabka beeraha si loo xoojiyo waxsoosaarka.
Waxa kale oo uu dadka deegaanka warbixin ka siiyay horumarka ay sameeyeen mashaariicda dowladda ee gobolka, kuwaas oo isugu jira qaybaha amniga, guryaha, waxbarashada, waddooyinka, deegaanka iyo caafimaadka.
Wasiirka waxaa safarkan ku wehelinayay Guddoomiyaha Ismaamulka Wisley Rotich, Senator-ka William Kisang, Xildhibaanadda Haweenka ee Ismaamulka Caroline Ng’elechei, Xildhibaanka konfurta Keiyo Dr. Gideon Kimaiyo, Guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka David Kosgei, Taliyaha Booliska Ismaamulka Peter Mulinge, iyo Xildhibaanada hoose ee deegaanka MCAs oo uu horkacayay wakiilka deegaanka Mathew Cheruiyot, iyo madax kale.