Booliska Nairobi oo Gacanta ku Dhigay Laba Tuug oo taleefannada Dhaca

0
119

Dadka ku nool magaalada Nairobi ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay kooxo tuugo ah oo si degdeg ah u dhaca taleefannada gacanta, kuwaas oo inta badan beegsada dadka lugaynaya iyo darawallada, kana baxsada goobta iyagoo adeegsanaya mootooyin.
Booliska saldhigga Muthangari ayaa qaaday howlgal degdeg ah kadib markii ay heleen xog ku saabsan halka ay ku sugnaayeen laba nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dhacdooyin isdaba joog ah oo taleefannada gacanta looga dhacay shacabka.
Howlgalka ayaa laga fuliyay xaafadda Kawangware, halkaas oo lagu soo qabtay labada eedeysane.
Markii la baaray, waxaa laga helay laba taleefan oo gacanta ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in wax yar ka hor laga dhacay dad rayid ah.
Labada eedeysane ayaa hadda ku jira xabsi iyagoo sugaya in maxkamad la horkeeno, halka taleefannadii laga helayna loo haysto caddeymo baaritaanka qeyb ka ah.
Booliska ayaa sheegay in baaritaannadu ay weli socdaan si loo soo qabto tuhmanayaal kale oo la xiriira falalkan.
Ciidanka Booliska Qaranka Kenya ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka dambiyada, burburinta shabakadaha burcadda iyo hubinta in dambiilayaasha aanay helin meel ay ku dhuuntaan.