Kenya oo Xoojisay Wadashaqeynta Midowga Yurub ee Heerarka Dijitaalka

0
115

Dowladda Kenya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Midowga Yurub (EU) ee ku saabsan dejinta heerarka dijitaalka, iyadoo tani qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo hirgelinta qorshaha isbeddelka dijitaalka ee dalka.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Stephen Isaboke, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee ICT-ga iyo Dhaqaalaha Dijitaalka, Eng. John Tanui, ayaa qaabilay wafdi ka socday mashruuca Global Gateway ICT Standards (GIST), oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo hirgelinta heerarka caalamiga ah ee tiknoolajiyadda dijitaalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya kobcinta hal-abuurka, isku xirnaanta nidaamyada dijitaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ee Kenya.
Waxaa sido kale looga hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada muhiimka ah sida sirdoonka macmalka ah (AI), amniga internetka (Cybersecurity), aqoonsiga dijitaalka, iswaafajinta nidaamyada dijitaalka, horumarinta kaabeyaasha internet-ka xawaaraha sare leh (Broadband) iyo maamulka dijitaalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wadahadalladan ay gacan ka geysan doonaan hirgelinta hindisaha Digital Superhighway ee Kenya iyo barnaamijyo kale oo muhiim ah oo lagu ballaarinayo adeegyada dijitaalka, lagu horumarinayo adeegyada dowladda, isla markaana lagu kobcinayo dhaqaalaha ku dhisan tiknoolajiyadda dijitaalka.
Kenya iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi xooggan oo lagu horumarinayo hal-abuurka dijitaalka ee ku dhisan heerarka caalamiga ah, kor loogu qaadayo adkeysiga nidaamka dijitaalka ee dalka, isla markaana lagu xoojinayo kaalinta Kenya oo ah hoggaamiye heer gobol ah oo dhinaca isbeddelka dijitaalka.