Culimada magaalada Wajeer ayaa yeeshay shir ay kaga arrinsanayeen sidii looga hortagi lahaa tahriibka iyo saameynta ba’an ee uu ku hayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kororka tahriibka, khataraha naf iyo maal ee la xiriira safarrada sharci darrada ah, iyo doorka culimada, waalidiinta iyo bulshada ay ka qaadan karaan wacyigelinta iyo ka hortagga arrintan.
Culimadu waxay ku baaqeen in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, lana mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo dhallinyarada si aysan ugu biirin safarrada halista ah ee tahriibka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada loo abuuro rajo iyo fursado nololeed oo wanaagsan.
Waxay sidoo kale ku boorriyeen waalidiinta inay si dhow ula socdaan carruurtooda, isla markaana ay kala shaqeeyaan hay’adaha dowladda iyo bulshada sidii loo yarayn lahaa tahriibka iyo dhibaatooyinka ka dhasha.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Culimada Wajeer oo yeeshay shir ay kaga hadlayeen dhibaatooyiinka tahriibka




