Ciidamada booliiska ee dalka India ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay beeralayda wadankaasi oo dibadbax ka sameynayay magaalada New Delhi.
Kumanaan beeraley ah ayaa maanta dib u billaabay mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda.
Tani ayaa timid ka dib markii aan is-afgarad laga soo saarin wada hadallo u dhexeeyay beeraleyda iyo dowladda India.
Waxay dalbanayaan in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ay u xaqiijiso in ay dakhli ku filan ka helayaan iibinta dalagyada uga soo go’ beeraha.
Beeralayda ayaa dhaliilsan isbeddelo dhanka beeraha ah oo la soo saaray sanadkii 2021-kii waxayna dowladda India ku eedeynayaan inay ka dhaga-fureysatay xallinta tabashooyinkooda.




