Adeegga qaabilsan in ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee dalka uu kala geeyo machadyada iyo jaamacadaha ee (KUCCPS) ayaa sheegay in ardayda doonaya inay ku biiraan xarumaha lagu barto culuunta farsamada ee TVET ay haystaan ilaa 2-da bisha koowaad ee sanadka soo socdo.
Waxaa fursaddan ka faa’iidaysan karo 12,705 oo arday ah.
Waaxdan ayaa shaacisay in marka la gaaro 2-da Jannaayo la xiri doono barta hadda u furan in ardayda ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu uu dhammaan machadyada farsamada ee TVET ku amray inay si degdeg ah u billaabaan adeegsiga manhajka waxbarashada ee CBC oo la doonayo in ardayda xilli hore loogu soo dhiso dhanka xirfadaha.
Adeegga KUCCPS ayaa shaaciyay in ardayda daneynaya barashada farsamada ay ku biiri doonaan 190 xarumood.




