Iyadoo lagu jiro xilli fasaxeedka Christmas ayaa waxaa dhanka kale socdo olole ballaaran oo lagu xaqiijinaya badqabka la xiriira isticmaalka waddooyinka.
Ololahan ayaa xoogga lagu saaraya marinka waqooyi ee Northern Corridor ee isku xira dalalka Bariga Afrika sida Kenya , Uganda, Tanzania , Rwanda iyo Burundi.
Khadkan ayaa meelaha uu maro waxaa ka mid ah Nairobi, Mombasa ,Nakuru, Eldoret, Malaba, Jinja, Kampala ilaa Kasese oo ku taalla galbeedka Uganda.
Ujeeddada laga leeyahay ololahan oo ay iska kaashanayaan maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA iyo isku xirka aqoonyahaannada ka talo bixiya arrimaha maskaxeed ee (CPS) ayaa ah in la yareeyo shilalka waddooyinka oo kordho xilligan oo kale.
Dadka ayaa lagu wacyigelinaya inay ilaaliyaan xeerarka u degsan isticmaalka waddooyinka sida in marka ay waddada gudbayaan ay adeegsadaan meelaha habboon ee la calaamadeeyay.
Isku duwaha CPS ,Hodari Wagala ayaa sheegay in sidoo kale ay doonayaan in la kordhiyo wacyiga ku aaddan xeerka qaran ee maareynta xawaaraha baabuurta iyo xoojinta wada shaqeynta daneeyayaasha kala duwan ee howlaha gaadiidka.
Waxaa uu xusay in meelaha qaar oo aynan waddooyinka wanaagsanayn iyo baabuurta oo si xowli ah loo kaxeeyo in bil gudaheeda ay shilal ugu dhinteen in ka badan 30 ruux.
Isku xirka CPS ayaa laga soo xigtay in tirada dadka ku dhinta shilalka ka dhaco waddooyinka waawayn ee dalka ay sare u sii kaceysay tan iyo billowgii sanadkan.
Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaaradda gaadiidka ee dalka ay warbixin ku sheegtay in sanadkan 2023-ka ay gudaha Kenya shilal ku dhinteen in ka badan 3,900 oo qof.
Saddex bilood ka hor ayay ahayd markii warbixinta darasaad ay sameeyeen machadka kheyraadka ee adduunka ee World Resources Institute iyo Bangiga Adduunka ee World Bank lagu sheegay in sanad kasta ay shilal ku dhintaan qiyaastii 1.25 milyan oo qof halka malaayiin kalena ay ku dhaawacmaan.




