Mombasa: Booliiska oo xiray ganacsade soomaali ah oo rasaas ku furay dad mudaaharaadayay

0
555

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah ganacsatada ismaamulka Mombasa.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu rasaas ku furay dad mudaaharaadayay islamarkaana dhaawacay labo qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii maanta isugu soo baxay magaalada Mombasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsadahan uu haystay bistoolad sharciyeedsan islamarkaana uu iskaga difaacayay mudaaharadayaal soo weerarray goobtiisa ganacsi.
Bayaan ka soo baxay waaxda DCI-da ayaa lagu sheegay in milkiilaha maqaayadda Qaffee Point ee magaalada Mombasa uu laba qof dhaawacay abbaare 1:30 duhurnimo ee maanta.
DCI-da ayaa xustay in ganacsadaha bistooladdissa ay laamaha ammmaanka la wareegeen.
Dhanka kale, dibadbaxayaasha oo ka carooday toogashada uu gaystay ganacsadahan ayaa gubay 5 baabur oo goobtaaasi ganacsi horyaallay, islamarkaana ay burbur xooggaan u gaysteen maqaayadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here