Maamulka IPOA oo waaxda dacwad oogidda la wadaagaya falcelintii booliiska ee dibadbaxyada

0
134

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska dalka ee (IPOA) ayaa waaxda dacwad oogidda la wadaagi doono waxyaabaha uga soo baxay baaritaannada ku aaddan qaabkii ay ciidamada ammaanka uga falceliyeen dibadbaxyada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori.
Makori ayaa hoosta ka xarriiqday in waaxda ODPP ay go’aan kama dambeys ah ka qaadanaysa qaabka loo maxkamadeynaya saraakiisha booliiska ee lagu cadeeyo in ay dibadbaxayaal toogteen.
Waxay intaasi ku dartay in ay gabagabeynayaan baaritaannada ilaa 39 dhacdo oo dhimasho ah, 150 dhaawacyo ah iyo 7 afduub oo laga soo tabiyay qaybaha dalka.
Guddoomiyaha IPOA ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen in 25-kii bishii hore ee June 11 qof oo kenyaan ah lagu dilay bartamaha Nairobi iyo xarunta baarlamaanka oo xilligaasi la gubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here