QM oo sheegtay in kooxaha hubeysan ee Haiti ay sanadkan barakiciyeen 300,000 oo carruur ah

0
161

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa laga soo xigtay in sanadkan gudihiisa ay ugu yaraan 300,000 oo carruur ah ku barakaceen rabshadaha ay dalka Haiti ka wadaan kooxaha hubeysan ee abaabulan.
UNICEF ayaa intaasi ku dartay in carruurta qaarkood lagu qasbay in ay burcadda ku biiraan.
Waxay sheegtay in ubadka shaqaaqooyinka Haiti ku barakacay ay ku jiraan xerooyin ku meel gaar ah oo aynan haysan cunno , daryeel caafimaad, nadaafad iyo biyo saafi ah.
Sidoo kale , waxaa Haiti ku badan dilalka iyo afduubyada.
Hay’adda UNICEF ayaa xustay in afartii bilood ee ugu dambeeyay la barakiciyay ku dhawaad 580,000 oo qof.
Burcadda ayaa hadda gacanta ku haysa ugu yaraan boqolkiiba 80 ee caasimadda waddanka Haiti ee Port-au-Prince.
Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in saddexdii bilood ee sanadkan ugu horreysay Haiti lagu dilay ama lagu dhaawacay in ka badan 2,500 oo ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here