Madaxweynaha dalka oo beeniyay in NIS aynan ka warbixin dibadbaxyada

0
510

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ku khilaafay hadalkii uu maalmo ka hor jeediyay ee ahaa in adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS uunan gudbin qiimeyn sax ah oo la xiriirtay dareenka kenyaanka dhigay dibadbaxyada ka dhanka ahaa hindise sharciyeedka maaliyadda.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay heshay xog sirdoon oo dhameystiran taasi oo muujinaysay in ay jiraan dambiilayaal qorsheynaya in ay ka faa’iidaystaan mudaaharaadyada.
Ruto ayaa xusay in haddii laamaha ammaanka aynan sameyn diyaar garowgii ay sameeyeen ay badan lahayd tirada dhimashada ee ka dhalatay dibadbaxyada.
Sidoo kale waxaa uu ku xigeenkiisa ku khilaafay in ay dib u soo laabteen dilalka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here